CODSI XUBINNIMO

Anigoo ah ruuxa tafaasiishiisu hoos ku xusantahay, waxaan codsanayaa inaan ka noqdo xubin xisbiga SOCOD :

Caddeyn:

1. Waxaan caddeynayaa inaan muwaadin soomaaliyeed ahay, da’deyduna gaartay toban iyo siddeed sano.

2. Waxaan caddeynayaa inaanan xisbi kale ka tirsaneyn. Haddii aan xisbi kale ku biiro mustaqbalka waxaa waajib igu ah inaan isla markiiba      Xisbiga SOCOD qoraal ugu gudbiyo iscasilaaddeyda.

3. Waxaan u hoggaansanahay dastuurka, xeer hoosaadka, mabaadii’da, ujeeddooyinka iyo barnaamijyada siyaasadeed ee Xisbiga Damiirka  Soomaalinimada iyo Horumarka.

4. Waxaan oggolahay in codsigeygan loo adeegsa karo diiwaan gelinta “Xisbiga Damiirka Soomaalinimada iyo Horumarka” (Xisbiga SOCOD).

5. Waxaan caddeynayaa in tafaasiisha ku qoran codsigan tahay run isla markaasna dhammeystirantahay.