GURMADKA ABAARAHA
Xisbiga Damiirka Soomaalinimada iyo Horumarka (Xisbiga SOCOD) wuxuu aad uga walwalsan yahay abaarta baahsan ee ku habsatay deegaano badan oo ka mid ah dalkeenna.
Waxay hoggaanka, xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga SOCOD u howlgalayaan wacyigelinta ummaadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan si ay isaga kaashadaan u gargaaridda walaalaha ay abaartu saameysay.
Wuxuu Xisbiga SOCOD soo jeedinayaa in Dowladda dhexe, Dowlad goboleedyada iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan, ayagoo culumada kaashanaya, ay abaabulaan dibadbaxyo roob doon ah oo Rabbi looga baryayo inuu ummaddeenna quluubtooda isu dumo, ka dulqaado abaaraha soo noqnoqday iyo colaadaha ku raagay.
Xisbiga SOCOD wuxuu billaabayaa, kuna soo dhaweynayaa ka qeybqaadashada xisbiyada kale, bulshada rayidka, culumaa’udiinka iyo guud ahaan aqoonyahannada soomaaliyeed daraasad ballaaran oo ku saabsan sidi loogu diyaargaroobi lahaa abaaraha soo noqnoqda ee dalka ka dhaca iyo isbeddelka cimilada.
DHammaad