DHAB KA HADALKA DACWADA BADDA-2


Guddoomiyaha Xisbiga Damiirka Soomaalinimada iyo Horumarka (Xisbiga SOCOD), Dr Maxamed Macallin Xasan, oo horay u soo noqday “Wasiirka Kalluumeysiga, KHeyraadka badda iyo Bii’ada” wuxuu dhawaan soo bandhigay qoraal uu cinwaan uga dhigay “DHab ka hadalka dacwada badda”, kuna taariikheysnaa 16ki Feberaayo 2020ki.

 

Wasiirki hore ee Kalluumeysiga, KHeyraadka badda iyo Bii’ada oo intuu xilka hayey iyo ka dibba soo qabtay howlo udub dhaxaad u ah badbaadinta baddeenna wuxuu qoraalkaas ku soo bandhigay caddeyn muujineysa in Soomaaliya ay ka tanaasushay qeyb ka mid ah dhul badeedkeeda.

 

Guddoomiyaha Xisbiga SOCOD wuxuu kaloo qoraalkaas ku muujiyey in ka tanaasulka qeyb ka mid ah dhul badeedka dalkeenna uu saameyn aan dan u ahayn Soomaaliya ku yeelan karo go’aanka Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka (ICJ) ee ku aaddan dacwada badda ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

 

Wasiirki Kalluumeysiga, KHeyraadka badda iyo Bii’ada, Dr Maxamed Macallin Xasan, wuxuu qoraalkaas uga dalbaday, kuna adkeeyey hoggaanka siyaasadeed iyo kan aqooneed ee dalka in waajibaadka qarannimo ee saaran u gutaan si mas’uuliyad ku dheehantahay, kana fogaadaan tallaabo kasta oo ummadda soomaaliyeed duudsiineysa xuquuqdooda, qarannimada dalkeennana meel uga dhaceysa.

 

Guddoomiyaha Xisbiga SOCOD wuxuu ummadda soomaaliyeed ku boorinayaa inay si wada jir ah u xaqiijiyaan inaan la minguurin milkiyadda baddeenna iyo barrigeenna.

 

Wabillahi towfiiq

 

DHAMMAAD