BAAQA XISBIGA SOCOD EE HESHIISKA HANNAANKA DOORASHOOYINKA JFS EE GWQ

 

 

Xisbiga Damiirka Soomaalinimada iyo Horumarka (Xisbiga SOCOD) wuxuu ummadda soomaaliyeed u caddeynayaa in lagama maarmaan tahay in arrimaha masiiriga ah ee saameynaya dalka iyo dadkaba loo wajaho qaab wadatashi oo dhexmara dhammaan saamileyda siyaasadeed iyo guud ahaan bulshada soomaaliyeed.

 

 

Waxaa habbooneyd in GWQ uu dowrkooda ku ekaado soo jeedin ee uusan noqon go’aan qaadasho si ay suuragal u noqoto in bulshada soomaaliyeed tala ku yeelato soo jeedimahaas.

 

 

Xisbiga SOCOD wuxuu caddeynayaa in aan laaqbali karin in Baarlamaanka JFS laga dhigo fadhiid sidi Baarlamaanki ka horreeyay.

 

 

Xisbiga SOCOD wuxuu soo jeedinayaa in Baarlamaanka JFS uu u guto waajibaadkiisa si ka madax bannaan saameyn ay Hey’ado kale ku yeeshaan isla markaasna uu ilaaliyo Dastuurka, kuna dhaqmo.

 

 

 

DHammaad