Xubinnimada Xisbiga SOCOD

Xubinnimada ama taageeranimada Xisbiga Damiirka Soomaalinimada iyo Horumarka waxay u furantahay qof kasta oo soomaali ah, buuxiyana shuruudaheeda. Xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga SOCOD waxay ka kooban yihiin:

  • Xubno caadi ah;
  • Xubin sharafeedyo;
  • Xubno lamaane la ah Xisbiga SOCOD;
  • Taageerayaal

1        Buuxinta shuruudaha xubinnimada Xisbiga SOCOD

b) Xubin caadi ah

Xubinnimada caadiga ah ee Xisbiga Damiirka Soomaalinimada iyo Horumarka waxaa codsan kara muwaadin kasta oo ay da’diisu gaarto siddeed iyo toban (18) sano ama ka weyn oo aan xisbi kale oo siyaasadeed ka tirsaneyn, una hoggaansan dastuurka, xeer hoosaadka iyo dhammaan qawaaniinta, awaamirta, dukumintiyada iyo barnaamijyada siyaasadeed ee Xisbiga SOCOD;

t) Xubin sharafeed

Golaha Sare Xisbiga Damiirka Soomaalinimada iyo Horumarka wuxuu siin karaa xubin sharafeed ruux aan ka mid ahayn xubnaha caadiga ah ee Xisbiga SOCOD, haseyeeshee Golaha Sare ugu muuqda inuu yahay ruux saaxib wanaagsan la ah Xisbiga SOCOD, mudanna in xubinnimada Xisbiga SOCOD lagu sharfo shuruud la’aan;

j) Xubno lamaane la ah Xisbiga SOCOD

Xubin lamaane waxaa la noqon kara Xisbiga SOCOD urur, jamciyad ama hey’ad aan dowli ahayn marka uu Golaha Sare ee Xisbiga Damiirka Soomaalinimada iyo Horumarka oggolaado shuruud la’aan;

x) Taageere Xisbiga SOCOD

Taageeranimada Xisbiga SOCOD waxaa codsan kara muwaadin kasta oo ay da’diisu gaarto siddeed iyo toban (18) sano ama ka weyn oo aan xisbi kale oo siyaasadeed ka tirsaneyn, una hoggaansan dastuurka, xeer hoosaadka iyo dhammaan qawaaniinta, awaamirta, dukumintiyada iyo barnaamijyada siyaasadeed ee Xisbiga SOCOD.

2        SHuruudaha iska casilidda ama weynta xubinnimada Xisbiga SOCOD

b) Xubin kasta way iska casili kartaa Xisbiga SOCOD iyo xilka ay ka hayso. Waxay iscasilaateeda qoraal ugu soo gudbineysaa guddoomiyaha Golaha Sare. Iscasilaaddu waxay dhaqan galeysaa marka uu guddoomiyaha Golaha Sare ama mas’uul kuu u wakiisho howshaas qoraal ku wargeliyo xubinta inuu helay qoraalki iscasilaateeda;

t) Xubinnimada Xisbiga SOCOD waxaa lagu weyn karaa: geeri, ka mid noqosho xisbi siyaasadeed kale, ka saarid iyo hab dhaqan kasta oo ka hor imaanaya danaha Xisbiga SOCOD.

3        Xuquuqda xubnaha Xisbiga SOCOD

Xubnaha Xisbiga SOCOD waxay xuquuq buuxda u leeyihiin:

b) Iney ka qeybgalaan, ra’yigooda ka dhiibtaan islamarkaasna ka codeeyaan ama looga codeeyo SHirweynaha Qaran, kulamada Golaha Sare iyo kulamada guddiyada xiriirinta heer dowlad goboleed, heer degmo/deegaan doorasho ama qurbojoog oo ay ka tirsanyihiin;

t) Inay su’aalo ka keenaan, doodna geliyaan go’aan ay gaartay hey’ad ka mid ah hey’adaha Xisbiga SOCOD haddii go’aankaas halis ku yahay jiritaanka Xisbiga Damiirka Soomaalinimada iyo Horumarka;

j) Inay ka qeyb qaataan wacyigelinta bulshada sida ololayaasha heer qaran iyo heer maxalli;

x) Inay ka qeyb qaataan habka soo xulidda musharixiinta Xisbiga SOCOD;

kh) Inay ka qeyb qaataan dejinta siyaasadaha Xisbiga SOCOD sida diyaarinta dukumintiyada siyaasadeed, bayaannada doorasho (Manifestos), qorshaha istaraatiijiyadeed iyo habraaca magacaabidda ama doorashada musharrixiinta Xisbiga SOCOD;

d) Inay ka qeyb qaataan howlaha uu u cayimo Golaha Sare ee Xisbiga SOCOD.

4        Waajibaadka xubnaha Xisbiga SOCOD

Waajibaadka xubnaha Xisbiga Damiirka Soomaalinimada iyo Horumarka waxaa ka mid ah:

b) Inay xubnuhu fahmaan, ku howl galaan, ilaaliyaan mabaadii’da, ujeeddooyinka, siyaasadaha iyo barnaamijyada Xisbiga SOCOD isla markaasna u sharxaan bulshoweynta;

t) Inay xubnuhu ka hortagaan wax allaale wixii warxumo tashiil ama borobogaan oo liddi ku ah danaha Xisbiga SOCOD;

j) Inay xubnuhu, markay baddalayaan cinwaankooda, ku wargeliyaan guddiga xiriirinta deegaanka ay ka guurayaan iyo midka deegaanka ay u guurayaanba cinwaankooda cusub;

x) Inay xubnuhu u hoggaansamaan, kuna shaqeeyaan qawaaniinta iyo go’aamada guddiyada ay xubnaha ka yihiin ayagoo u howlgalaya si waafaqsan dastuurka Xisbiga SOCOD;

kh) Inay uga qeybqaataan doorashada ma’uuliinta Xisbiga SOCOD si waafaqsan shuruucda iyo habraaca Xisbiga SOCOD.