Baaqa Xisbiga Damiirka Soomaalinimada iyo Horumarka
(Xisbiga SOCOD)


Xisbiga Damiirka Soomaalinimada iyo Horumarka
oo loo soo gaabiyo (Xisbiga SOCOD) waa xisbi siyaasadeed qaran.
Wuxuu u taaganyahay adkeynta midnimada Soomaaliya iyo difaaca qarannimadeeda. Wuxuu hiigsanayaa in dalkeenna noqdo dal nabad ah oo dadkiisu kuwada nool yihiin amni iyo deganaasho ayagoo isixtiraamaya, iskuna kalsoon isla markaasna leh hey’ado qaran oo shacbigu raalli ka yahay.

 

Xisbiga Damiirka soomaalinimada iyo Horumarka wuxuu xooggiisa isugu geynayaa isudumidda bulshada Soomaaliya iyo dib u heshiisiinteeda ayadoo la xaqiijnayo in ruux walba helo garsoor caadil ah si looga soo kabsado is aaminaad la’aanti ka dhalatay baabi’i bulshadeenna, burburkii qarankeena iyo dhibaatooyinkii kala geeyey umaddeenna. Wuxuu kaloo xisbigu ka hortagayaa wax allaale wixi sabab u noqon kara in Soomaaliya mar kale uu ka dhaco dagaal sokeeye.

Xisbiga SOCOD wuxuu ka hortagayaa baahinta iyo ku dhaqanka fikrado iyo dhaqamo xagjir ah oo lagu gumaadayo muwaadiniinta soomaaliyeed, laguna banneysanayo naftooda iyo maalkooda isla markaasna lagu duudsiinayo xuquuqdooda iyo hab dhaqankooda.

Xisbiga SOCOD, sida ku cad halkudhiggiisa, wuxuu u howlgalayaa fulinta mabaadii’da, ujeeddooyinka iyo barnaamijyada siyaasadeed ee xambaarsan soo nooleynta damiirka soomaalinimada, u feejignaata danaha Soomaaliya, daacad ugu adeegidda umadda Soomaaliya annagoo Rabbi kaashaneyna.

Xisbiga SOCOD wuxuu horumarinyaa ku dhaqanka nidaam wada tashi ku saleysan, helidda garsoor aan eex lahayn, sarreynta sharciga iyo fulintiisa. Wuxuu kaloo xisbigu u taaganyahay dhowridda xuquuqda iyo xorriyaadka asaasiga ee shaqsi kasta.

Xisbiga SOCOD, asagoo ka hortagaya maamul xumadi, ku tumashadi qawaaniinta dalka, musuq maasuqi iyo dhici hantida umadda ee dowladihi isaga danbeeyey hogaaminta dalkeena, wuxuu hirgelinayaa mabaadi’da ah «Mas’uuliyad, hufnaan iyo xisaabin» heer walba ah.

Xisbiga SOCOD wuxuu u howlgalayaa horumarinta nidaam dhaqaale oo furfuran. Wuxuu kaloo dhiirrigelinayaa isla markaasna fududeynayaa sare u qaadidda wax soo saarka dalka, ka maarmidda mucaawino shisheeye iyo gaarsiinta adeegyada bulshada dhammaan deegaannada Soomaaliya.

Xisbiga Damiirka Soomaalinimada iyo Horumarka wuxuu dejinayaa siyaasad sugan oo lagu badbaadinayo, laguna daryeelayo bii’ada.

Xisbiga SOCOD wuxuu u howlgalayaa sidi Soomaaliya iyo wadamada kale ee aduunka u yeelan lahaayeen xiriir wanaagsan oo ku saleysan is ixtiraam, iskaashi iyo wax isdhaafsi. Wuxuu kaloo xoojinayaa wada shaqeynta iyo isdhaxgalka wadamada mandiqadda ayadoo maslaxadda Soomaaliya awlawiyadda la siinayo, loona howlgalayo xaqiijinta dowrkeeda hogaamineed.