XADDIDAADDA XASAANADA XUBNAHA BAARLAMAANKA JFS
Waxaa billaabanaya howlaha Baarlamaanka 11aad ee JFS. Xubnaha Baarlamaanka JFS waxay leeyihiin xasaanad sida ku qeexan Qod.70aad ee Dastuurka.
Waxaa hubanti ah inay dib u eegis ku sameynayaan Xeerhoosaadka Golaha SHacabka iyo kan Aqalka Sare.
Haddaba, Xisbiga Damiirka Soomaalinimada iyo Horumarka (Xisbiga SOCOD) wuxuu soo jeedineynaa in xasaanada Xubnaha Baarlamaanka JFS lagu koobo labadan qodob:
1) Xildhibaanka Golaha Shacabka ama Senatorka Aqalka Sare dhibaato kama soo gaari karto fikradda ama codka uu ka hor dhiibto Baarlamaanka Federaalka ah iyo guddiyadiisa;
2) Waxaa lagu oogi karaa Xildhibaanka ama Senatorka dacwad ciqaabeed iyo/ama mid madani ayadoo aan ogolaansho la weydiisan Golaha Shacabka ama Aqalka Sare.
Xisbiga SOCOD wuxuu ka codsanaynaa Xildhibaannada, Senatorrada, Xisbiyada siyaasadeed, Bulshada rayidka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada inay u istaagaan soo jeedintaan si Garsoorka loogu sinnaado.
Wabillaahitowfiiq
DHAMMAAD