DHAB KA HADALKA DACWADA BADDA-1 

 

Xisbiga Damiirka Soomaalinimada iyo Horumarka (Xisbiga SOCOD) wuxuu soo saarayaa bayaankan kooban oo ku aaddan dhab ka hadalka dacwada badda:

 

Soomaaliya waxay, 21ki July 2014ki, u gudbisay Guddiga xuduudaha Continental shelf-ka u qaabishiisan Qaramada Midoobay macluumaad qeexaya Continental shelf-keeda. Qodobka 7aad, lambarkiisa 3aad ee qoraalkaas (Somalia Executive Summary 2014) waxaa ku cad inuu isdhaxgal ka jiro qeybta Continental shelf-ka ee xad badeedka Soomaaliya iyo Tansaaniya. Wuxuu qodobka 7aad, lambarkiisa 3aad u qoranyahay sidan:

 

“Based on the current submission and the information published on the Commission’s website regarding the Executive Summary of the submission made by the Federal Republic of Somalia, there is a potential overlap between the Somali and the Tanzanian claims as regards the areas of the continental shelf beyond 200 nautical miles”.

 

16ki July 2015ti, Soomaaliya waxay, mar kale, u gudbisay Guddiga xuduudaha Continental shelf-ka u qaabishiisan Qaramada Midoobay qoraal ah (Amended Executive Summary 2015) oo ay u sii marsiisay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayadoo wax ka baddal ku sameysay qoraalki hore  ee ahaa (Somalia Executive Sumary 2014). Qodobka 7aad, xarafkiisa (C) ee qoraalka (Amended Executive Summary 2015) oo ka hadlaya xad badeedka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Tansaaniya wuxuu qeexayaa in Soomaaliya iyo Tansaaniya ka dhaxeynin isdhaxgal xad badeed. Wuxuu qodobka 7aad xarafkiisa (C) u qoranyahay sidan:

 

“Based on the current Amendment and the information published on the Commission’s website regarding the Executive Summary of the submission made by the United Republic of Tanzania, there is no potential overlap between the Somali and the Tanzanian claims as regards the areas of the continental shelf beyond 200 nautical miles”.

 

Note: Isticmaalka the United Republic of Tanzania meeshi laga rabay in la isticmaalo the Federal Republic of Somalia, ma qalad madbaci ahaa?

Arrinkan wuxuu caddeyn u yahay in Soomaaliya ay ka noqotay jiritaanka dhul badeedki kala dhexeeyey Tanzania ee dhanka Continental shelf-ka. Waxaa hubanti ah in Soomaaliya aysan weli dib u eegis ku sameynin ka noqoshadaas.

 

Waxay umadda soomaaliyeed wada ogtahay in masuuliin soomaaliyeed, kuwo hore iyo kuwo hadda xilal haya, ay waqtiyo kala duwan af buuxa ugu caddeeyeen shacabka, uguna celceliyeen inaysan taako ama mitir ka mid ah baddeenna iyo berrigeennaba gorgortan ka galeynin, dal kalana uga tanaasuleyn. Haddaba waxaa isweydiin mudan su’aalahan:

 

  1. Soomaaliya ma u dhaaftay ama ma u hibeysay qeybo ka mid dhul badeedkeeda dalka Kenya oo dacwad badeed kala dhaxeyso ama dalal kale sida ay Tanzania ugu dhaaftay?
  2. Dacwada Soomaaliya u gudbisatay Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka (ICJ), kalana dhaxeysa Kenya ma ku saleysan tahay maslaxadda umadda soomaaliyeed iyo dhowridda milkiyadda baddeeda iyo barrigeeda?
  3. Tallaabooyinkee la gudboon mas’uuliyiinta Soomaaliya inay qaadaan inta aysan billaaban dacwada badda si loo hubiyo in Soomaaliya ku guuleysato dacwadaas?

 

Xisbiga SOCOD wuxuu soo jeedinayaa in mas’uuliinta dalka sida Golaha Baarlamaanka labadiisa aqal, Dowladda dhexe, Maamul goboleedyada, xisbiyada, madasha bulshada rayidka, aqoonyahannada, waxgaradka iyo hoggaanka ciidamada qeybihiisa kala duwan ay furaan doodo dhab ka hadal ah oo la xariira nuxurka dacwada Soomaaliya ay gudbisatay iyo go’aanka laga filan karo Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka (ICJ).

 

Xisbiga SOCOD wuxuu kaloo soo jeedinayaa in Garsoorayaasha qaranka (koox ama keli) ay gal u furaan dacwada badda si loola xisaabtamo mas’uulki ama mas’uuliinti ku lug yeesha milki guurinta baddeenna?

 

Guddoomiyaha Xisbiga SOCOD, Dr Maxamed Macallin Xasan, asagoo ku hadlaya magaca xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga iyo guud ahaan magaca umadda soomaaliyeed wuxuu mas’uuliinta Dalka heer walba ay yihiin ka dalbanayaa, kuna adkeynayaa inaan la minguurin milkiyadda baddeenna isla markaasna aan bulshadeenna xuquuqeeda la duudsiin.

 

F.G:  Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay xaq u leedahay inay dacwada kala dhaxeysa Kenya wax ku darto, wax ka dhinto ama wax kabadasho ayada oo eegeysa maslaxadda dadkeenna iyo sugidda qarannimadeenna.

 

Wabillahi towfiiq

 

DHAMMAAD