Ujeeddooyinka Xisbiga SOCOD

Ujeeddooyinka Xisbiga Damiirka Soomalinimada iyo Horumarka waxaaa ugu muhimsan:

  1. Inuu ka qeybqaato doorashooyinka, damaanad qaado xuquuqda iyo xorriyaadka asaasiga ah ee shaqsi kasta isla markaasna adkeeyo dhaqanka nabad kula wareegidda awoodda iyo sarreynta sharciga;
  2. Inuu dib u soo nooleeyo damiirka wadaninimo isla markaasna uu horumariyo dhaqanka isku kalsoonaashaha iyo isudulqaadashada;
  3. Inuu dib u yagleelo midnimada Soomaaliya, difaaco qarannimadeeda isla markaasna adkeeyo amniga gudaha iyo deganaashaha gobolka;
  4. Inuu u howlgalo sidi Soomaaliya iyo wadamada kale ee aduunka u yeelan lahaayeen xiriir wanaagsan oo ku saleysan is ixtiraam, iskaashi iyo wax isdhaafsi isla markaasna uu xoojiyo wada shaqeynta iyo isdhaxgalka wadamada gobolka;
  5. In uu ruux kasta helo garsoor caaadil ah isla markaasna la ciribtiro wax allaale wixii dhaqanxumo ku ah bulshada dhaxdeeda;
  6. Inuu u howlgalo ciribtirka faqriga, jahliga iyo cudurrada;
  7. Inuu u howlgalo horumar iyo hodannimo ay muwaadiniintu ka wada faa’iideystaan;
  8. Inuu dejiyo, dhaqangeliyana siyaasad sugan oo lagu badbaadinayo, laguna daryeelayo bii’ada;
  9. Inuu ku dhaqmo, islamarkaasna dhaqangeliyo mabaadii’da ah “Mas’uuliyad, Hufnaan iyo Xisaabin” heer walba ah.